Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyadoo si xoog leh loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ujeedka uu ku yimid caasomada dalka ee Muqdisho lagu sheegay ka qeyb-galka Shirka Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka wadanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana shalay gaaray caasimada dalkaMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Imaanshaha Madaxweynaha Hirshabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta ammaanka Muqdisho uusan wanaagsanayn.