Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-habelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Xubnaha Maamulka Hir-Shabeelle ku matali lahaa Guddiyada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.
Xubnaha Madaxweyne Waare uu u magacaabay guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa waxa ay kala yihiin Cabdi Naasir Maxamed Guuleed & Maxamed Maxamuud Caddow, halka uu Farxiyo Xasan Cusmaan & Liibaan Cismaan Nuur ay ka mid noqonayaan Guddiga xalinta khilaafaadka.
Maamul Goboleedyada koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland & Jubbaland ayaa hore u gudbiyay xubnaha u metelaya doorashooyinka qaran.