Madaxweynaha Hirshabelle oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay Shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa 2aad Mahad Xasan Cusmaan, Siihayaha Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasaaradaha Amniga Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Saraakiil ka socotay Taliska Qeybta 27aad, Taliska Booliska Hirshabeelle, Taliska Nabada Sugida Hirshabeelle Iyo Saraakiil sar sare oo ka socday Taliska Sector 5 ee AMSIOM ayaa lagu gorfeeyay xaalada Amdi ee degaannada Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Kulanka warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amniga isagoo kala hadlay qodobada kala ah.

Xaaladaha Amniga ee DG Hirshabeelle

Qorshaha kala guurka Somalia “Somali transition plan”

Qorshaha Amni ee Xiliga Doorashada

Howlgalada, xasilinta, iyo qorshaha Badbaado two.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Hay’adaha Amniga ee ka howlgalla degaannada Hir-Shabeelle.