Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Garowe (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ka soo kicitimay magaalada Kismaayo.

Waxaa maalinta berri ka furmaya Garowe shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage.

Shirkan oo sanadle ah oo horay loogu qaban jiray dalka Jabuuti aya sanadkan lagu qabanaya magaalada Garowe, iyadoo uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalku galay xilli kala guur ah.

Wafuud ka kala socota dowlad goboleedyada, Xukuumadda, Midowga Musharaxiinta mucaaradka, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galaya shirkan.