Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha AFRICOM Gen Townsend

427

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka AFRICOM Gen. Stephen Townsend oo maanta booqasho ku tagay Kismaayo.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo iskaashiga la dagaalanka Argagixisada.
Taliyaha Ciidamada Africom oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa u sheegay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inay sii wadi doonaan la dagaalanka ururka Alshabaab.

Garoonka Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ay saldhigga ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya inkastoo bilowgii sanadkan inta badan ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Soomaaliya laga daadgureeyay.

madaxweynaha jubbaland axmed madoobe oo la kulmay taliyaha africom gen townsend madaxweynaha jubbaland axmed madoobe oo la kulmay taliyaha africom gen townsend madaxweynaha jubbaland axmed madoobe oo la kulmay taliyaha africom gen townsend