Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay saraakiil ka tirsan AMISOM

410

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubaland Generaal Jeff Nyagah iyo saraakiil kale oo katirsan howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan ayaa loogaga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa isla markana la isaga kaashan lahaa howlgalada wadajirka ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac isla soo qaadeen in laga maarmaan tahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.

Ciidamado katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Kulankan ayaa imanaya maalin kadib markii diyaarado aan la garaneyn ay weerar duqeyn ah ka geysteen deegaano ka mid ah gobolka Gedo halkaas dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay.