Madaxweynaha Jubbaland oo wadahadal la yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah la yeeshay Wakiilo ka socda beesha Caalamka u jooga dalka Soomaaliya.

Wakiiladii uu kulanka la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ahaa
Wakiilka Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arrimaha muhiimada u leh xaalada hadda lagu jiro gaar ahaan Ammaanka iyo Doorashooyinka.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan arrimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Khilaafka ka jira arrimaha doorashada ayaa waxaa ka mid ah muran ka taagan qaabka ay doorashada uga dhacayso gobolka Gedo.