Madaxweynaha Koofur Galbeed Laftagareen oo gaaray magaalada Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-Gareen” ayaa gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Booqashada Laftagareen ayaa la xiriirta ka jawaabida cabashada shacabka degmada Xudur oo dhowaan sameeyay bannaan bax ay ku dalbanayaan in culeyska saaran degmadaas laga qaado, kaddib markii ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Gaadiid u sidey raashin iyo agabyo kale degmadaas ayaa lagu gubay duleedka Xudur,iyadoo saameyn weyn ay ku yeelatay cunto yari soo wajahday dadka ku nool magaalada Xudur.

Kahor inta uusan ka soo ambabaxin magaalad Baydhabo ayuu Madaxweynaha Koofugalbeed ka hadlay xaalada ka jirta degmada Xudur.

“Degmada Xudur 18-ka degmo oo Koonfur galbeed, waa degmadii aan ugu tegista iyo shaqada badneyd haddana waxaan u soconaa daruufahan cusub oo kusoo kordhay oo muddadan aan ka shaqeyneynay oo ah xiritaanka jidkii ay badeecadaha usoo marayeen ay culus kale soo saareen Al Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Waxaa jira magaalooyin kale oo ku yaal gobolka Bakool kuwaasi oo saameyn weyn ay ku yeesheen xayiraad xagga gaadiidka ah oo ay Alshabaab ku soo rogeen.