Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Muqdisho dib ugu soo laabtay iyo shirka berri

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib todobaadyo uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Dib ugu soo laabashada Lafta Gareen ayaa ku soo aaday maalin ka hor shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo berri dhici doona.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalinta berri ka dhici doona Xarunta Afisyooni.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas ammaankisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa fududeyneysa Qaramada Midoobey iyo Safaaradda Mareykanka.

Caqabado ayaa weli ku xeeran qabsoomida shirka, iyadoo Madasha Badbaadada Qaran ee ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay ku baaqeen in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu amnig wareejiyo.

Shirka ayaa la filayaa inay damaanad qaade ka noqoto Beesha Caalamka, sidoo kale waxaa shirkan uu saldhig u noqonayaa heshiiskii doorashada ee 17 September iyo wixii ka soo baxay shirkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo.

madaxweynaha koofur galbeed oo muqdisho dib ugu soo laabtay iyo shirka berrimadaxweynaha koofur galbeed oo muqdisho dib ugu soo laabtay iyo shirka berri