Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Madaxweynaha Koofurgalbeed ayaa ujeedka uu u yimid Muqdisho lagu sheegay in uu uga qeyb-galo Shirka Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana mas’uulkii ugu horreeyay ee soo gaara magaalada Muqdisho uu noqday Maadxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Laftagareen Madaxweynaha Koofurgalbeed ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee ka socda dowlad goboleedyada oo soo gaara Muqdisho si uu ugaga qeybgalo shirka berri ka furmaya caasimada.