Madaxweynaha Puntland Deni oo ka hadlay weriye u xiran maamulkiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono weriye Kilwa Aadan Faarax oo muddo labo bilood ah u xiran maamulka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garowe ayaa ku tilmaamay weriye Kilwe inuu yahay dambiile dhowaana kiiskiisa la soo gabagabaynayo,inkastoo aysan weli maxkamad ku helin dambigaas.

“Wariye Kilwe waxa uu ahaa shaqsi doonayay in si dhaqso leh lagu barto, hase ahaatee waxan rajaynayaa inuu xoriyadiisa dib u helo.”ayuu yiri Madaxweyen Deni.

Waa markii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland uu ka hadlo ka xariga wariye Kilwe.

Dhanka kale madaxweynaha wuxuu wariyayaasha u sheegay iney ilaaliyaan sharciyada dalka, si qudhooda ay u doonayaan in loo ilaaliyo xoriyadooda hadalka.