Madaxweynaha Puntland Deni oo la kulmay Safiirka Sweden Tillander

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Kulanka labada mas’uul ayaa qaatay saacado waxaana looga hadlay waxyaabo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka dhextaagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Siciid Cabulaahi Deni.

Waxaana diiradda lagu saaray kulanka arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada .

Wakiilada beesha Caalamka gaar ahaan wadamada reer Yurub ayaa cadaadis xoog leh saaraya madaxda dalka si ay heshiis ugaga garaan khilaafka doorashoyinka.