Madaxweynaha Puntland oo kala direy Golihii Deegaanka Boosaso

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso,kadib markii maamulkaasi lagu eedeeyay musuqmaasuq,isagoo u magacaabay maamul kumeel gaar ah.

Xeer Madaxweyne oo uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayuu ku kala direy Golihii Deegaanka,waxana uu xeer kale ku magacaabay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen kumeelgaar ah.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa u magacaabay inuu guddoomiye kumeel gaar ah ka noqdo magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) halka guddoomiye ku xigeen loogu magacabay Axmed Nuur Huruuse.

Madaxweynaha Puntland ayaa booqasho ku jooga magaalada Boosaso kadib markii dhowaan weerar ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab xabsiga magaalada Boosaaso ayna kala baxeen maxaabiis faro badan.