Madaxweynaha Puntland oo ku soo jeeda Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo hormari doonaan wafdi hordhac ah oo ay ku jiraan Ilaaladiisa.

Sida ay sheegayaan wararka Saciid Deni ayaa degi doona deegaan ku yaalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha, halkaasoo shalay la dejiyay Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweyne Deni ayaa horay shuruud ku xiray ka qeyb galka shirka Muqdisho, isagoo dalbaday in goob amni ah lagu qabto oo ay sugayaan Ciidamada AMISOM.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhici doona maalinta sabtida, marka Madaxda Dowad Goboleedyada maqan yimaadaan.

Waxaa uu shirka ka dhici doonaa Hoolka ama Teendhada Afisyooni ee garoonka diyaaradaha, halkaasoo amnigeeda la wareegeen Ciidanka AMISOM.