Madaxweynaha Puntland oo kulamo la yeeshay wakiilo ka tirsan beesha caalamka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Madaxweyne Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay safiirka Maraykanka, halkaas oo ay kulan gaar ah ku yeesheen labada mas’uul.

Kulanka waxa looga hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Waxa kale oo kulanka looga hadlay arrimaha shirka ku saabsan doorashooyinka oo la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan ku qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ee Soomaaliya James Swan iyo Francisco Madeira.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.