Madaxweynaha Puntland oo rajo ka muujiyay in xal laga gaaro khilaafka doorashada dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa rajo ka muujiyay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada dalka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa sheegay in ay wadaan isaga iyo Madaxweynaha Galmudug dadaal lagu doonayo in xal looga gaaro khilaaf hareeyay doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay Munaasabad lagu soo xirayay Shirkii Madasha Arragti Wadaaga oo soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi baarista ee Heritage oo lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dadaalka ay wadaan oo ku saabsan sidii xal buuxa looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashada, kadib markii kulamo gaar gaar ah la qaateen Madaxda ku sugan Garoowe.

“In dhaliilo jiraan oo waxii lagu heshiiyey aan waxba laga qaban waxaa cadeynaya in Heritage ay na tiraahdo howsha waxba lagama qabane kaalaya kawada hadla, Doorashada Mad-madoow baa ku jira waxaa dhamaanteen noo fiican in laga baxo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka isku haya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgalyada guud ee dalka xilliga doorashada, waxaana uu ka digay in la kiciyo fitno iyo colaad, isagoo yiri “Waxaan codsanayaa inaan fitno colaadeed la kicin, doorashaduna waa waxa la isku hayaa, waa doorasho, waana wax sanduuq lagu rido, ololuhuna waa hadal, qori boos uma banaana”.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in dawladda soo socota ay tahay inay ahmiyad siiso dhamaystirka Dastuurka, Federaalaynta dalka, sugidda ammaanka iyo u diyaar garowga doorasho dadweyne, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha in shir la isugu yimaado magaalada Garoowe haka dhaco ama meel kale haka dhacee diyaar baan u nahay waan imaaneynaa” ayuu yiri sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi ayaa Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ugu baaqay in Shir wadatashi ah la isugu yimaado, si xal looga gaaro caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.

Shirkii Madasha Arragti Wadaaga oo soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi baarista ee Heritage oo lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Garowe ayaa laga soo saaray war murtiyeed dhowr qodob ka kooban.