Madaxweynaha Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Deni ayaa shaqada looga joojiyay Gudoomiyaha Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan , waxaana Hanti Dhowraha Puntland la faray in baaris ku sameeyo gudoomiyaha iyo guud ahaan maamulka.
Halkan ka akhriso wareegtada Shaqo joojinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmada Boosaaso.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta.

Xeerkan waxaa uu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.