Madaxweynaha Puntland oo u magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Bari

355

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa u magacaabay guddoomiye cusub gobolka Puntland C/qaadir Cali Siciid.

Gobolka Bari ayaa waxaa magaalo madax u ah magaalada Boosaaso oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo taabacsan Madaxweyne Deni iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Puntland ayaa u qornaa sidan.

Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.