Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garowe

268

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland kadib safar dalka dibadiisa ah.

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiilada , Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno iyo mas’uuliyin kale.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxa uu booqday dalka Kenya waxaana soo baxayay maalmihi la soo dhaafay inuu Saciid Deni doonayo inuu isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha dalka.