Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib markii safar dhulka ah uu ugaga yimid magaalada Cadaado.

Saciid Deni ayaa diiday inuu safar hawada ah ku tago magaalada Dhuusamareeb sababo dhinaca ammaanka ah, kaddib markii xalay Hoobiyeyaal lagu soo riday garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Balse diyaarad uu ka soo raacay magaalada Garowe ayaa ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado oo u jirta illaa 77 km magaalada Dhuusamreeb halkaa oo ay ku sugayeen ciidamo badan oo ka soo gelbiyay Cadaado.

Madaxweyne Deni ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee ka qeybgalaya shirka Dhuusamareeb oo safar dhulka ah ku tago caasimada Galmudug iyadoo hore madaxda kale ee ka qeybgalaysa shirka ay shalay iyo maanta ku tageen diyaarado kala gaar gaar ah.