Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo dhoweeyay magaalada Nairobi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka dambeeyay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ku jiray Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa shaacisay in Madaxweyne Muuse Biixi uu maalinta berri la kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Tallaabada Kenya ay ku martiqaaday Madaxweynaha Somaliland ayaa jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay dhowaan ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, halka Safiirkii Kenya u joogay Muqdisho ku wargelisay inuu dib ugu laabto dalkiisa.