Madaxweynaha Somaliland oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay wakiilka Imaaraatka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Isutagga Imaaraataka Carabta usoo magacaawday in uu u fadhiyo Somaliland.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka cusub ee Imaaraadka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu qoray in Madaxweynaha Somaliland u sheegay wakiilka inuu yimid dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka diblumaasiyeed dowladda federaalka iyo Imaaraatka iyadoo bishii hore dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.