Madaxweynaha Turkiga oo war ka soo gaaray dib u doorashada Xasan Sheekh

May 17 (Jowhar.com)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhambaal hanbalyo ah u soo diray madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna shacabka u rajeeyay in doorashada ay dalka ku soo dabaasho xasilooni.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,โ€ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa dhinaca kale sheegay in dowladiisa ay sii laba jibaareyso taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku faanay iney ahaayeen dalkii u horeeyay ee wadankan u soo gurmado isagoo qarka u saaran burbur sanadii 2011.

โ€œWaxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soomaaliya ay noqoto mid faaโ€™iido u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,โ€ ayaa yiri Madaxweyne Erdogan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More