Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekhiyo Shariif Sheekh oo gaaray Warsheekh

543

Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa goordhow safar dhulka ah ku tagay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u gudbi doonaan degmada Cadale, halkaasoo shalay uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Safarka Madaxweynayaashi hore ku tagayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada deegaanka.dhexe waxaa u gaaray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaasi oo si weyn loogu soodhaweyay degmada.

Waa markii ugu horeysay ee madaxdii hore ee dalka si wadajir ah u booqdaan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.