Madaxweyne Biden oo la-taliye sare u magacaabay Xamse Warfaa oo Soomaali ah

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa nin Soomaali ah u magacaabay inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

Doorka cusub ee hadda loo xushay ayuu diiradda ku saari doonaa dhanka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, isagoo kaalin weyn ka qaadan doona howlaha dowladda ay hoggaamiyaan xisbiga dimuqraaddiga, gaar ahaan arrimaha dibadda.

Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Xamse Warfaa loo xushay inuu noqdo ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota, isagoo diiradda saarayay sare u qaadista dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Markii xilkaas loo magacaabay waxa uu noqday qofka keliya ee qaxooti Afrika kasoo jeeda ah oo dowladda Minnesota ka qabtay jagadii ugu sarreysay.

Waa aqoonyahan heysta shahaadada mastare-ka ee cilmiga maamulka hay’adaha iyo hoggaaminta oo uu ka bartay jaamacadda Springfield College ee gobolka Massachusetts. Sidoo kale waxa uu shahaadada heerka koowaad ka heystaa seyniska siyaasadda, oo uu ka bartay jaamacadda San Diego.

Sanadkii 2014-kii, Xamse waxa uu soo jiitay indhaha warbaahinta kaddib markii uu soo saaray buug uu ka qoray sida ay Soomaalida ugu safraan Mareykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More