Madaxweyne Deni oo hortagayo Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hortaga Baarlamaanka Puntland sabtida soo socto si uu ugaga warbixiyo burburka ku yimid wadahadaladii arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaannada Baarlamanka ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha kadib markii loo diray fariimo wargelin ah.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka.

Dowlada Federalka ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inay caqabad ku noqdeen hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii September 2020.