Madaxweyne Deni oo la kulmay Qunsulka cusub ee Ethiopia u soo magacawday Garowe

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub ee dowlada Ethiopia u soo magacowday Degnachew Yitbarek.
Madaxtooyada Puntland ayaa laga soo saaray qoraal ku saabsan kulanka maanta uu la yeeshay Madaxweyne Deni qunsulka cusub ee Ethiopia.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Qunsulka cusub oo haysta waaya-aragnimo dhanka diblumaasiyadda iyo xiriirka Soomaalida ah ayaa bedelaya Mabratu Waldo Aragay kaasoo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Puntland ayaa sheegtay in ay Itoobiya la leedahay xiriir dhanka ammaanka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’addaha dowladda iyo ganacsiga.

Shirkadda Duulimaadyadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa duulimaadyo toos ah waxa ay ku timaadaa degaanadda maamulka Puntland gaar ahaan garoomada degmooyinka Garowe iyo Boosaaso, waana magoolooyinka kaliya ee ay duulimaad ka samayso marka laga soot ago Muqdisho iyo Hargaysa.

Inkastoo Dowladda Faderaalka Itoobiya in xiriir wanaagsan la leedahay dowladda uu hoggaamiye Madaxxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, safiirna u joogo magaalo madaxda wadanka ee Muqdisho, hadana qunsulo ayaa u jooga Hargaysa iyo Garowe.