Madaxweyne Deni oo xaqiijiyay in 6 kamid ah askartiisa ay ku dhimatay shil ka dhacay duleedka Garoowe.

Mar 7 (Jowhar.com)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay shil barqanimadii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, kaasoo ay ku naf waayeen Lix askari oo kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.

Dadka shilkan ku dhintay waxaa kamid ah Sarkala sare oo kamid ah ciidamada Puntland, kaasoo magaciisa lagu sheegay Kabtan Khadar Cabdi Jalfis, waxaana jira dhaawacyo kale oo gaaray ciidamada oo markaasi kayimid Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida askarta, isagoo kuwa dhaawaca ahna Alle uga abryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, waxa uu tilmaamay in askarta aysan ka geeriyoon oo kaliya qoysaskooda.

” Waxaan Ciidamada Dowladda Puntland gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta heerarkooda kala duwan uga tacsiyeynaya Shilka Gaari ee Ciidamadu ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, oo la iisoo sheegay in ay ku geeriyoodeen Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada.Si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaa Taliyaha Ururka Afraad ee Dayax ee Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare Mubaarik Maxamed Warsame iyo Saraakiisha kale ee Ciidamadaasi oo aan uga tacsiyeynayo geerida AHUN Kabtan Khadar Cabdi Jalfis iyo Shan Askari oo kale oo shilkaasi ku geeriyooday” ayuu yiri Deni.

Laamaha amaanka ee Puntland ayaa haatan wada baaritaano ku aadan waxa sababay shilkan, iyadoo shilalkan noocan oo kale ah loo aaneeyo burburka wadooyinka iyo xawaaraha dheereeya ee ay gawaarida ku wadaan ciidamada, iyagoo ka cabsi qaba iney haleesho miinooyinka dhulka la galiyo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More