Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goordhow ku kulmay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitterka soo dhigay Ra’iisul Wasaare Abiy ayuu ku sheegay inay ka wada hadleen xaalada gobolka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka IGAD.

Kulankan ayaa ka mid ah kulamo gaar gaar ah oo ay Madaxda IGAD yeelanayaan, ka hor furitaanka shirka 38aad ee aan caadiga aheyn, kaasoo looga hadlayo xaalada gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay ashtako ka dhan ah Kenya u gubisay IGAD, waxaana ajandaha looga hadlayo shirka uu qeyb ka yahay xiisada siyaasadeed ee labada dal u dhaxeysa.