Madaxweyne Farmaajo oo iclaamiyay shir madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

President Farmajo accuses foreign countries of interfering in elections
President Farmajo accuses foreign countries of interfering in elections

Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkan uu ka furmi doono 15ka bishan Febraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

Warkan ka soo baxay Madaxtooyada ayaa yimid xilli ay maanta kulan yeesheen Madaxweynaha xilligiisii dhamaaday iyo guddoonka baarlamaanka iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.