Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Senator Yuusuf Xaaji

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Kenya.

Senator Yuusuf Xaaji ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Nairob, waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansanaa ee Soomaalida ku matalayay dowladda Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku yiri “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa alle uga baryay inuu janatul Fardowso ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samor iyo iimaan ka siiyo.

Senator Yuusuf Xaaji ayaa soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga sanadihii u dhaxeeyay 2008-2013, waxaa laga soo doorta magaalada Gaarisa.