Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay ciyaaryahanka Soomaaliyeed Xasan Cafiif

1,054

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Xasan Cafiif oo kamid ah xiddigihii Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Kubbadda Cagta ee Horseed.

Madaxweynaha ayaa xusay sooyaalka iyo waayihii quruxda badnaa ee Xasan Cafiif uu ku lahaa Xulka Qarankeenn iyo Kooxda kubbadda Cagta ee Horseed oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid ahaa taageereyaasheeda, waxa uuna ku aammaanay doorkii uu ka soo qaatay horumarinta iyo shacbiyadda kubadda cagta ee dalkeenna.

Dhankiisa, ciyaaryahan Xasan Cafiif ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Qaranka kulankan iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu ugu sameeyey hoyga uu kaga sugan yahay magaalada Dooxa oo uu safar shaqo ku joogo.