Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo laga tallaalay cudurka Covid 19

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu ku shaaciyay barta uu ku leeyahay Facebook.

Arrintani ayaa kusoo aadeysa xilli Jabuuti maanta laga daahfuray barnaamijka lagu tallaalayo dadka.

Jabuuti ayaa dhawaan heshay tallaalka ka hortagga Covid-19 iyadoo la qorsheynayo in kumanaan ruux laga tallaalo cudurkan oo caalamka si xowli ah farabaas ugu haya.

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.