Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in is faham laga gaaray xulida Xildhibaanada Somaliland

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu shirka si habsami leh uu u socdo,ayna jiraan qodobo is-faham laga gaaray.

Cali Ciid ayaa carrabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolladii Waqooyi ama Somaliland ay dhinacyada is-faham ka gaareen.
“Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Somaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray, waxna way ka dhiman yihiin,” ayuu yiri madaxwayna kuxigeenka Galmudug.

Waxaa uu intaa ku daray in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Soomaaliland ay ku lug leeyihiin gudoomiyaha aqalka sare iyo rai’sul wasaara ku xigeenka.

” Waxaan kuu sheegi karaa oo kali ah in arrinta Soomaaliland meel fiican ay mareyso oo Isfahan u dhawdahay aadna dhinacyada isugu soo dhawaadeen rais’sul wasaara ku xigeenka iyo gudoomiyaha aqalka sarana-na ay ku lug leeyihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan”, ayuu yiri Mr Ciid.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale sheegay in qodobada kale ee uu muranka ka taagnaa ay wali socdaan wadaxaajoodyada.

Mr Ciid ayaa xusay in arrinta gudiga dooradshada iyo qodobka gobolka Gedo ay imika madaxda ka wadahadlayaan.

“Qodobada kale wali waa lagu wada jiraan oo ku saabasn guddiga doorashada iyo waxa laga tataaban karo iyo arrinta Gedo oo u dambeysa, markaa ilaa iyo hadda si habsami leh ayuu shirkaasi u socdaa”, ayuu yiri.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid sheegay in qodobka guddiga doorashada ay muuqato in intii hore la isaga soo dhawaaday.

” Sida muuqata aad ayay isugu dhaw yihiin labada dhinac marka laga hadlayo guddiyada doorashada”, ayuu yiri Mr Ciid.

Waxaa uu dhanka kale sheegay Mr Ciid in qodobka gobolka Gedo lagu wado in maanta ay madaxda guda galaan.

” Qodobkaas wali lama guda galin, waxaana la guda galayaa maanta oo si fiican loo falanqeynayaa”, ayuu inta ku daray.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa rejo ka muujiyay shirka madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda fedaraalka uga socda magalada Dhuusamareeb.

Shirka magaalada Dhuusamareeb aya ku soo beegmaya xilli ay muudo xileedka madaxwayne Farmaajo ka harsan tahay maalmo kooban.

Shirka Dhuusamareeb ayaa ah kii afaraad oo magaaladaasi lagu qabto islamarkana looga wadaxaajoonayo arrimaha doorashada.

Xigasho;BBC