Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Koofurgalbeed

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magacaabay Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne laftagreen ayaa waxaa Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Aadan Xareed Cumar.

Magacaabista taliyahan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhowaan ayuu maamulka Koofurgalbeed ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah ururka Alshabaab, iyadoo hore dhowr jeer sidan oo kale uu Maamulku ugu dhowaaqay dagaal ka dhan Alshabaab.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed;