Madaxweyne Laftagareen oo xilalkii ka qaaday wasiiro kuna bedelay wasiiro cusub

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Wasiiro Cusub, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Wasiiro hore uga tirsnaa Golihiisa Wasiirada.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed loo magacaabay Ibraahim Cali Aadan Janax oo dhowaan laga qaaday xilka Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaa Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo gaadiidka badda u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka Cumar Axmed Aadan laga dhigay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wareegtada ka soo baxday madaxweynaha Koofurgalbeed ayaan lagu cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay in xilalka laga qaado wasiiradan kuwa cusubna la magacaabo.

Hase yeeshee xilka qaadista ayaa lagu macneeyay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha maamulka iyo ahmiyada Golaha Wasiirada ee maamulkaas.