Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya iyo kulan uu la leeyahay Abiye.

Sept. 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalka aan bada leheyn ee Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdigan kusoo dhaweeyay ra’iisul waaaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo si meeqaamkeeda sareeyo loo soo dhaweeyay, waxaana loo galbiyay xarunta madaxtooyada, halkaasoo ay ka socdaan wadahadalo ay albaabada u xiran yihiin.

Abiye iyo Xasan Sheekh ayaa la filayaa inay la shaqeeyaan inay isku soo dhowaadaan labada dowladood oo xiriirkooda uu mugdi ku jiray tan iyo markii dib loo doortay Xasan Sheekh oo uu meesha ka baxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulufo ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahme.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadli doonaan sidii xiriirka Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya loo wanaajin lahaa, Abiye-na looga qancin inuu si dhow ula shaqeeyo xukuumadda Muqdisho, xili uu shaki ka muujinayo isu soo dhawaanshaha Soomaaliya iyo Masar.

Si kastaba, Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan.

madaxweyne xasan sheekh oo gaaray itoobiya iyo kulan uu la leeyahay abiye. madaxweyne xasan sheekh oo gaaray itoobiya iyo kulan uu la leeyahay abiye.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More