Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan deg deg ah caawa isugu yeeray gudoonka BF.

Dec. 04 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa kulan isugu yeeray Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo uu wehliyo Guddoonka Golaha.

Gudoonka baarlaamanka iyo gudiyada joogtada ah ayaa aqbalay kulankan oo ka dhacaya aqalka madaxtooyada, iyadoo kulanka uu noqonayo mid casho ah, sida xogaha ay tilmaamayaan.

Kulankan ayaa daba socda mooshino dhowr ah oo la qoray maalmihii la soo dhaafay iyo dooddii ammaanka iyo xasaanada Xildlhibaanada ee hareysay kulankii shalay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in mudanayaashan warbixin guud ka siiyo xaalada guud ee dalka, si gaar ah dagaalka dowladda ee Shabaab iyo baaritaanada hordhaca ah ee weerarkii Shabaab todobaadkii hore ay ku qaaday hotelka Villa Rosa oo kaabiga ku haya aqalka kulanka caawa uu ka dhacayo ee Villa Soomaaliya.

Si kastaba, kulankan deg dega ah waxa uu ka danbeeyay kadib markii xildhibaanada fadhigoodii shalay ay hareysay dooda fashilka amni ee dalka ka jira, waxeyna qireen in Shabaab lagala shaqeeyay gaarista hadafka weeratkoodii Villa Rosa, iyagoo dalbaday in taliyayaasha ay baarlamaanka horyinaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More