Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar kana hadlay ujeedada booqashadiisa

2
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle, halkaasoo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku soo dhoweeyeen.

Mas’uuliyiinta ku soo dhoweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ayaan wax ka mid ahayn siihayaha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen,waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle, guddoomiyaha gobolka Sh.dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale.

 

“Howlo  aan wadnay muddo kuna saabsanayd dad tabasho ka qabay howlaha doorashooyinka oo meel fiican aan soo gaarsiinay ayaan u nimid inaan gaarsiino maamulka,.

“In arintaan si nabad a lagu dhameeyo maadaama dalkaan uu ka soo daalay khilaaf,in la wadahadlo oo arrimaha taagtaagan la dhameeyo kahor doorashada.”ayuu sii raaciyay Sharif Sheekh Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

“Dalkan waxa burburiyay awooda dowlada oo la isku dulmiyo,waxaan jeclahay in aan isku dayo in aan illaa xad ka sheego wax aka jira dalka,”ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed isagoo ku taliyay in maamulka uu dadka u adeego.

Socdaalka Shariif uu ku tagay Jowhar ayaa ku soo aaday xilli lagu guda jiro dhismaha labaad dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyadoo dhowaan la dooran doono Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo kuxigeenkisa
Lama oga sida uu saameyn ugu yeelan karo doorashada, iyadoo la rumeysan yahay in dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii dad ay wadato uga soo bixi lahaayeen maamulkaas.
Shariif Sheekh Axmed ayaan tegin  magaalada Jowhar mudadii uu madaxweynaha ka ahaa dalka,hase yeeshee waxa uu hore ugaga noqday magaalada Jowhar guddoomiye maxkamadeed.