Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahan magaalada Jowhar

shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay goor dhow gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Shariif Sheekh Axmed oo dhowrkii bil ee la soo dhaafay safar dibada ah ugaga maqnaa dalka ayaan la ogeyn qorshaha uu la tagayo magaalada Jowhar oo haatan ay ka bilaabatay ololaha doorashada guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuusan jirin dhaqdhaqaaq weyn oo lagu soo dhoweynayo Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe waxana uu hore ugaga soo noqday Guddoomiye Maxkamada gobolka xilligii uu Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu guddoomiye ka ahaa gobolka Sh/dhexe.