Magaalada Muqdisho oo laga hirgelinayo Xarunta Gurmadka Deg-degga Qaran

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish iyo Wasiirada Caafimaadka iyo Gargaarka Soomaaliya ayaa soo kormeeray goob laga dhisi doono xarunta Gurmadka Degdega Qaran, oo ah gudaha isbitaalka Laansaleeti ee magalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed (Cumar Filish) ayaa yiri “Waxaan joognaa isbilaalka Laansaleeti ee magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir, Wasiirada Gargaarka iyo Caafimaadka Soomaaliya waxaan u aragnay in ay tahay meesha ugu haboon ee xarun gurmad dag-dag caafimaad loo gu sameen karo bulshada, waxaa jira masiibooyin kala duwan una baahan goob lagula tacaalo, goobtaan ayaa noqon doota meel qaabilsan xaaladahaas”

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in xarunta gurmadka ay qorsheynayeen inay ka hirgeliyaan goobo kale, balse daruufo jirto awgeed ay u suurta geli weysay.

“Waxaan marti u nahay Wasiirka Caafimaadka iyo arrimaha bulshada Dr Fowsiya iyo Wasaaradeeda oo aan ka codsanay maadaama xil gaar ah naga saaranyahay ka Wasaarad ahaan barnaamijka 100 maalmood ee uu Ra’isul Wasaaraha ay ku jirto dhismahan xaruntaan oo horay loogu iclaamiyay goob kale, dhuruufaha jirana ay caqabad nagu noqotay in goob kale loo badalo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka xarun malahan Wasiirka Caafimaadka iyo arrimaha bulshada Dr Fowsiya waan kaga mahadcelinayaa soo dhaweenta“ ayey tiri Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye .

Ugu dambeen waxaa goobta ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo sheegtay in xaruntaan ay muhiim u tahay bulshada Soomaalieed

“Waa idin soo dhaweynaynaa waana idinkaga mahadcelinaynaa sida aad ugu dadaaleysaan waajibaadka idinka saaran goobtaan, waana halkiii ugu habooneed ee laga hirgalin halaa goob caafimaad, waana idin diyaar“.ayay tiri Wasiir Fowsiya.