Mahad Salaad “Ciidamada laga dejiyay Doolow horta Soomaali ma yihiin mise Asmara laga soo diray”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa shaki geliyay ciidamada dowladda Soomaaliya shalay ka dejisay degmada Doolow inay yihiin Ciidamo Soomaali mise Eritrean.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa facebook ayaa is weydiiyay Ciidamada Madaxweyne Farmaajo geeyay Doolow inay yihiin Soomaali mise walaalaha cusub ee Madaxweynaha Eritrea ka soo diray Asmara.

“Qolodaan Farmaajo Doolow ka dejiyay horta Soomaali ma yihiin. Mise waa walaalaha cusub ee Afawerki Asmara nooga soo diray”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka dejisay magaalada Doolow boqolaal ciidamo oo diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadan ay xoojinayaan ciidanka dowladda ee ku sugan xuduudka Beledxaawo, halkaasoo ay ka jiraan xiisado dagaal.

Hase ahaatee ciidamada shalay gaaray Doolow ay ku jiraan ciidamo bilo ka hor dowladda Soomaaliya tababar ugu dirtay dalka Eritrea oo tababarka soo dhameystay.

Si kastaba ha ahaatee xiisada ka taagan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogeysatay, kaddib markii abaabulo ciidan uu ka bilowday.