Mahad Salaad “Farmaajo wuxuu ka cararayaa Bannaan baxa Maalinta Sabtida, maxaa diidaya inaan soo hormarsano”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Ergada waan waanta ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu iska hor-keenayo Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Mahad Salaad ayaa sheegay in shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay khamiista uu ku soo beegay, iyadoo isla maalintaas ay balansan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, sidaas darteed uu ka careysan yahay, kana cararayo bannaan baxa maalinta Sabtiga.

“Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Shirka uu Khamiista ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa durba dhaliyay jahwareer cusub iyo shaki qaabka Ra’iisul Wasaaruhu waan waanta u wado, iyadoo markii hore ay soo baxeysay in dadaalo Beesha Caalamka wadeen oo ahaa Ra’iisul Wasaaruhu qaato doorka hoggaamineed, balse aanu isaga u muuqan taas.