Maraykanka oo bilaabay in ciidamadiisa uu kala baxo dalka Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa bilowday inay ciidamadeeda ka jooga dalka Soomaaliya ay kala baxdo iyadoo ciidamadii ka joogay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ay faarujiyeen sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku doonayo in uu uga saaro ciidamada Maraykanka ee jooga dalalka Ciraq,Afganistan iyo Soomaaliya.

Hase yeeshee, Ciidamo Maraykan ah ayaa waxa ay weli ku sii harsan yihiin oo ay joogaan magaalada Kismaayo iyo weliba saldhigga ciidamada cirka ee Ballidoogle iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamo gaaraya 700 oo askari oo Maraykan ah ayaa la rumeysan yahay inay joogaan dalka Soomaaliya iyagoo tababaro siiya ciidamada Soomaaliya.

Kusimaha xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller iyo xoghayihii hore ee Maraykanka Green Beret ayaa ka tashanaya sidii go’aan kama dambeys ah looga gaari lahaa ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la rumeysan yahay in looga adkaaday doorashadii dhowaan ka dhacday dalka Maraykanka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhowaaqo qorshaha ka saarista ciidamada ee dalalka Soomaaliya,Ciraq iyo Afghanistan.