Maraykanka oo dib ugu soo celinaya Soomaaliya ciidamadii uu hore ugala baxay

May 16 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo dalka Soomaaliya kadib saacado kooban markii uu xilka loo dhaariyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamadan ayaa la qorsheeyay inay ka qeybqaataan la dagaalanka Alshabaab,iyadoo hore uu Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump uu amray in askartan laga saaro Soomaaliya.

Askartan dib loogu soo celinayo Soomaaliya ayaa laga keeni doonaa wadamo ku yaal qaarada Afrika waxana ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhawaaqday goโ€™aankan ayaa waxa ay ku tilmaantay in looga dan leeyahay in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena.

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Soomaaliya ayaa noqon doonta โ€œku dhowaad 500โ€ loomana dirayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta aanu ka tegin xafiiska, wuxuu Soomaaliya kasoo saaray 700 oo askar Mareykan ah, taasi oo qeyb ka aheyd siyaasad guud oo uu dalka ugu soo celinayey ciidamada Mareykanka ee dibedda ku maqan.

Warkan ka soo baxay dowlada Maraykanka ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu xilka la wareegay Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana maanta la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More