Maraykanka oo dowlada Sudan ka saaray liiska Argagaxisada

Dowladda Mareykanka ayaa dalka Sudan ka saartay liiska madow ee dalalka taageera argagixisada, kadib markii dhowaan ay dowlada Sudan la sameysatay xiriir diblumaasi dowlada Israel.

Tallaabadan ayaa albaabada u fureysay gargaar, deynta oo laga cafiyo iyo maal-gelin uu helo dalka Sudan oo hadda ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, iyo dhaqaale xumo ay uga sii dartay cudurka COVID-19.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii October ku dhowaaqay inuu Sudan ka saarayo liiska dalalka taageera argagixisada, 27 sano kadib markii Washington ay ugu dartay inay gabbaad siiso mintidiinta Islaamiga ah.

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa Isniintii sheegtay in tallaabadan rasmi laga dhigay, islamarkaana xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu xaqiijiyey “in ku calaameynta Sudan ee dal taageera argagixisada si rasmi ah looga laabtay.”

“Tani waxay muujineysa isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka aan wadaagno, iyo u dhaqaaqidda wada-shaqeyn iyo taageeridda isbeddelka dimqoraadiga ah ee Sudan,” ayuu Pompeo ku yiri bayaan uu soo saaray.
VOA