Maraykanka oo joojinaya taageerada dagaalka Yemen

Maraykanka ayaa joojinaya taageerada uu siiyo xulafadiisa dagaalka ka wada wadanka Yemen,iyadoo dagaalkana ay ku dhinteen dad ka badan boqol kun oo ruux.

Madaxweyne Joe Biden oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee ku aaddan siyaasadda arrimaha dibedda ee maamulkiisa ayaa ku dhowaaqay in la soo afjarayo taageerida dagaalka Yemen.

Labadii Madaxweyne ee xukunka uga horreeyay Biden ayaa taageero u fidin jiray hawlgalka uu Sacuudiga horkacayo ee ka dhanka ah xooggaga Xuutiyiinta Yemen.

Maraykanka ayaa hadda joojin doona taageerada uu siiyo hawlgalka ay xulafadiisa ka wadaan Yemen, gaar ahaan in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta uu ka iibiyo gantaaladda bartilmaameedkooda sida saxda ah u haleela.

Colaaddaas ayaa horseeday in malaayiin shacabka waddankaas ah ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan.

Dagaalka u dhexeeya dowladda taagta daran ee Yemen iyo jabhadda Xuutiyiinta ayaa bilowday 2014, waxaana uu sii xoogeystay sanad kadib markii ay xukuumadda gacan ka heshay xulafo 9 dal oo Carab ah, uuna hogaaminayo Sacuudiga, taageerana ka helaya Maraykanka, UK iyo Faransiiska.