Maraykanka oo ka fiirsanaya kaalmada ay siiyaan ciidamada DANAB

1,376

Mas’uul ka tirsan safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay ka fiirsanayso taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Sarkaalkan oo u waramayay VOA ayaa xusay in ay maqleen warar sheegaya in ciidamada DANAB ka qeybgaleen dagaalka Ahlu Sunna iyo dowlada u dhexeeyo ayna waxyeelo ka soo gaartay xubno ka tirsan DANAB,

Waxa uu sarkaalkan sheegay in tababarka iyo taageerada kale ay siiyaan DANAB ay ugu talogaleen in lagula dagaalamo ururka Alshabaab,

Inkastoo ciidamada Maraykanka ee hore u joogay Soomaaliya badankood laga saaray dalka ayaa waxa ay Maraykanka ay weli tababaro siiyaan ciidamada DANAB.

Dagaalka ka dhacay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Guriceel ayaa waxaa ku dhintey taliyihii ciidamada DANAB ee Galmudug Cabdiladiif Fayfle iyo ciidamo kale.