Maraykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystey gobolka Hiiraan

August 18 (Jowhar.com)-Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in  duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradaha mareykanka ay la beegsadeen xarumo ay ku lahaayeen Alshabaab deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 13 ka tirsan Alshabaab lagu diley duqeyntan.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan  Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an tahay  la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada dhimashada dadka rayidka ah oo ay ka geystaan Soomaaliya.

maraykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystey gobolka hiiraan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More