Maraykanka oo ku hanjabay cunaqabatayn dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in markal uu dib u dhac ku yimaado doorashada dalka Soomaaliya,gaar ahaan in aan la fulin heshiiskii la gaaray 9ka Janaayo 2022.

Bayaan ka soo baxay Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan jadwalka u dambeeyay ee ay ku heshiiyeen.

Afhayeenka Wasaarada arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price, oo aqriyay bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa digniin u diray dhinacyada ama Shaqsiyaadka daneynaya in ay lugaha ku dhegaan geedi socodka Soomaaliya.

“Mareykanku waxa uu si gaar ah u eegayaa go’aanka 9kii Janaayo 2022 ee kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga qaran si loosoo gabagabeeyo Doorashooyinka waqtigeedu dheeraaday, waxa aan ugu baaqeynaa dhammaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo kuwa Federaalka in ay ilaaliyaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyay, isla markaana ay saxaan khaladaadka Habraaca” ayuu yiri Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Afhayeenka Mareykanka ayaa si cad u sheegay in uu xayiraad socdaalka ah uu kusoo rogayo ciddii kahor timaada qorshaha u dambeeyay ee doorashada Soomaaliya.

“Doorashooyinka Soomaaliya sanad ayay dib u dhaceen xiligii loo qabtay, 8 Febaraayo waxa ay ku beegan tahay hal sano kaddib markii ay dhammaatay xil heynta Madaxweynaha, Mareykanka waxa uu qaadanayaa go’aamo ay suuragal tahay in xayiraad dhanka socdaalka si looga hortago dib u dhigis ama caqabad lagu sameeyo jadwalka Doorashada” ayuu sii raaciyay Ned Price.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More